Waxbarashada, Wacyiga Siyaasadeed, iyo Kacdoonka Jiilka-Z ee Kenya: Saameynta uu ku leeyahay Afrika

Waxbarashadu waxay door muhiim ah ka ciyaartay koritaanka jiilka Gen-Z ee Kenya — waxay ku qalabaysay xirfado casri ah, fikir furan, wacyi siyaasadeed, iyo aqoon dhijitaal ah. Isku dhafka aqoonta, helitaanka internet-ka, iyo feejignaanta caddaalad-doonka ah ayaa jiilkan ka dhigay kuwo firfircoon, xog-ogaal ah, oo la jaanqaadaya dunida casriga ah. Afrika guud ahaan isha ayay ku haysaa dhalinyaro iyo dawlado-ba.

Baraha bulshada sida X (Twitter), TikTok, iyo Instagram ayaa u noqday aalado awood leh oo ay ku abaabulmaan, ku cabbiraan dareenkooda, kuna kormeeraan dawladooda. Culeysyada dhaqaale, shaqo la’aanta baahsan, iyo niyad-jabka siyaasadeed ayaa sii huriyay rabitaankooda isbeddel ee ah in ay noqdaan jiil saamayn leh, isla markaana u istaaga xaqooda siyaasadeed iyo bulsheed.

Tan iyo intii ay billowdeen mudaharaadyadii taariikhiga ahaa bartamihii Juun 2024, dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa si dhow ula socday kacdoonka Jiilka-Z ee Kenya. Dhibaatooyinka sababay mowjadda mudaharaadyada — sida musuqmaasuqa, xukunka xun, iyo cadaalad-darro dhaqaale — waxa si la mid ah looga dareemayaa dalal kale oo Afrikaan ah. Codadka dhalinyarada ayaa hadda laga maqlayaa guud ahaan Afrika — iyadoo tusaale ay u yihiin dhaqdhaqaaqyada #EndBadGovernance iyo End SARS ee Nigeria, mudaharaadyada ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Uganda, iyo ololaha #FeesMustFall ee Koonfur Afrika. Tani waxay muujinaysaa in jiilka cusub uu doonayo nidaam daahfuran, caddaalad ku dhisan, isla markaana lagu xisaabtamo.

Maanta, Kenya waxa ka dhalatay bulsho arrin-ku-dheggan (issue-oriented society), oo uu hormuud u yahay jiil af-furan, geesinimo leh, kana madax bannaan cabsi iyo cabburin. Jiilka-Z waa jiil wax beddelaya — waxay qorayaan qoraalo (Tweets & Posts), bannaanbaxyo nidaamsan ayaa ay abaabulayaan, waxa ay u heelan yihiin in doorashooyinka soo socda aysan noqon sidii hore ee lagu yaqaanay, balse ay go’aamiyaan doorasho xal ka gaadha arrimaha ay ku dheggan yihiin.

Banaanbaxyadii  dalka Kenya ee ay hormuudka ka ahaayeen Jiilka-Z waxay horseedeen isbeddello siyaasadeed oo muuqda, sida:

  • Hakinta Xeerka Maaliyadda ee 2024,
  • Isbeddel lagu sameeyay golaha wasiirrada,
  • Kala dirista 47 urur-hoosaad (cooperatives),
  • Hakinta dib-u-magacaabista shaqaalaha rayidka ah,
  • Baabi’inta xafiisyo aan waafaqsanayn dastuurka Kenya.

Dhamaan tallaabooyinkaas waxay ahaayeen qaar ka mid ah dalabaadkii tooska ahaa ee Jiilka-Z.

Maxayse dhacdooyinkan uga dhigan yihiin Kenya iyo qaaradda Afrika guud ahaan?

1. Isbeddelka Nidaamka Awoodda Siyaasadeed:
Dhalinyaradu waxay si geesinimo leh u khalkhal geliyeen nidaamka siyaasadeed ee dhaqameed, iyaga oo shaki weyn geliyay aragtidii ahayd in awooddu ay ku ururto siyaasiyiinta sare. Tani waxay astaan u tahay isbeddel u socda jihada awoodda shacabka — waxaana suurtagal ah in laga gudbo nidaamka kali-talisnimo oo loo gudbo xilli cusub oo ay jirto isla xisaabtan dadweyne, daahfurnaan, iyo korjoogteyn joogto ah oo lagu sameeyo dawladda.

2. Dib-u-qeexidda Habka Mudaharaadyada:
Jiilka-Z waxay si weyn u beddeleen qaabka loo abaabulo loona fuliyo mudaharaadyada. Waxay adeegsanayaan tiknoolajiyadda casriga ah iyo baraha bulshada si ay isu abaabulaan, u wada xidhiidhaan, una helaan taageero. Waxay soo bandhigeen cabashooyin cad-cad oo ay la socdaan caddaymo, waxayna soo jeediyeen xalal wax ku ool ah. Mudaharaadyadooda nabadeed waxa uu buriyay aragtidii hore ee mudaharaadyada lala xiriirin jiray rabshado iyo burbur. Inkastoo ay jiraan isku dayo hay’adaha amniga qaar u adeegsadeen xoog oo rabshado sababay, haddana wacyiga iyo nidaamka ay muujiyeen Jiilka-Z wuxuu dhidibada u taagay hannaan muwaadinimo leh oo mas’uuliyad ku dhisan.

3. Korodhka Wacyiga Dhalinyarada Afrika:
Kenya iyo dalal badan oo Afrika ah, dhalinyaradu maanta ma aha kuwa ka foga siyaasadda — waa kuwo si buuxda ugu baraarugsan arrimaha dalka, diyaarna u ah inay si iskood ah isu abaabulaan, taageero kasbadaan, una istaagaan dhibaatooyinka si toos ah u saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda.

4. Saameynta Ballaadhan ee Dhalinyarada:
Cadaadiska joogtada ah ee Jiilka-Z wuxuu ku qasbay dowladda in ay isku daydo in ay horumariso hufnaanta, xoojiso isla xisaabtanka, isla markaana wanaajiso tayada iyo waxtarka adeegyada ay siiso shacabka. Tani waxay tusaale u tahay in codka dhalinyarada uu leeyahay miisaan siyaasadeed iyo saamayn togan oo lagu horumarin karo nidaamka dawladnimo.

5. Soo Ifbaxa Kooxo Kale oo Dareen Qaran Leh:
Marka laga gudbo doorka dhalinyarada, waxa la filan karaa in daneeyayaal kale — sida ururrada xirfadlayaasha/shaqaalaha diiwaangashan, ururrada ardayda jaamacadaha, bulshada rayidka ah ee abaabulan, iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha — ay si geesinimo leh, feejignaan leh, una hoggaan-san danaha bulshada uga hor yimaadaan nidaamka jira, una dalbadaan isbeddel ku dhisan caddaalad, hufnaan, iyo mas’uuliyad dawladnimo.

Gunaanad:
Kacdoonka Jiilka-Z ee Kenya wuxuu astaan u yahay jiil cusub oo doonaya inuu qaabeeyo mustaqbalkiisa. Waa farriin toos ah oo ku socota hoggaamiyeyaasha Afrika: dhalinyaradu ma aha cod la iskaga adeegto, waa cod leh aragti, hal-adayg iyo himilo siyaasadeed. Haddii isbeddelkaasi si xigmad leh loo fahmo, Afrika waxay gali kartaa waqti cusub oo hufnaan iyo isla xisaabtan ah oo ay dhalinyaradu hormuud u yihiin.

NB: Arrintan waxa i xasuusiyay doodaha dhalinyarada reer Somaliland ee Jiilka-Z, kuwaas oo aan marar badan la kulmay — doodahooda waa qoto dheer yihiin, kuna salaysan yihiin horumar la’aanta iyo hore u socod la’aanta. Waxay si mas’uuliyad leh u cabbiraan dareenkooda, iyagoo adeegsanaya dood-wadaag iyo su’aalo miisaaman oo adag. Waa suuragal in kacdoonnada gobolka, gaar ahaan Kenya, ay dhiirrigelin u noqdaan dhalinyaradeena — si ay u abaabulmaan, codkooda kor ugu qaadaan, una istaagaan masiirkooda.

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *