Falaanqayn Buug: The Coming Wave – Mustafa Suleyman / Hirarka Soo Socda ee Teknoolajiyada

HORDHAC

Buugga The Coming Wave waa buug si qoto dheer u falanqeeya halista iyo fursadaha ay la imaanayaan tiknoolajiyada cusub ee awoodda sare leh sida Garaadka Macmalka ah (AI), bayoolajiyadda la sameeyay (synthetic biology), kombuyuutarada quantum-ka, iyo teknoolajiyadaha kale oo casriga ah. Qoraa Mustafa Suleyman, oo ah mid ka mid ah aas-aasayaasha shirkadda dhina AI ga ee DeepMind – ahna Madaxa AI-ga ee Shirkadda Microsoft, wuxuu buuggan ku muujinayaa walaac qoto dheer oo ku saabsan sida teknoolajiyadahani u saameyn karaan aadamaha, bulshooyinka, dawladaha, iyo xasiloonida caalamka.

Suleyman wuxuu soo jeedinayaa in aan ku jirno waqti aad u xasaasi ah oo u baahan in tallaabo degdeg ah laga qaato si aan u xakameyno “hirka imanaya” ee horumarka teknoolajiga (Containment). Waxa uu sheegayaa in haddii aan si mas’uuliyad leh loo maareyn, tiknoolajiyadu ay horseedi karto burbur nidaamyada bulsho iyo siyaasadaha dunnida lagu maamulo ba.

DULMARKA GUUD EE BUUGGA

Buugga The Coming Wave (Hirarka soo socda ee Tiknoolajiyadda) wuxuu xoogga saarayaa waxa uu ugu yeedhay “Dhibaatada Xakamaynta” (The Containment Problem) taas oo tilmaamaysa halista in teknoolajiyadu ka dheeraynayso awoodda bini’aadamka ee xakameyntooda. Tiknoolajiyada sida  Garaadka Macmalka ah (AI-ga) oo si deg-deg ah u kobcayaa wuxu noqon karaa mid gacanta u gasha cid kasta (Masuul ama aan masuul ahayn labadaba) — laga bilaabo dawladaha ilaa kooxaha hubeysan, taasoo keeni karta in teknoolajiyadaasi noqoto hub halis ah iyadoo ifaafalaha laga arkayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Suleyman wuxuu tusaalooyin ka bixinayaa sida AI-da iyo bayoolajiyadda la sameeyo loogu isticmaali karo si wanaagsan iyo si xunba. Wuxuu ka digayaa in aynaan dib dambe u heli doonin fursad lagu xakameeyo teknoolajiyadan haddii aan maanta laga hawlgelin. Isagoo ka faa’iideysanaya khibraddiisa, wuxuu buuggan uga dhigaa isdhexgal waxbarasho iyo toosin bulshada caalamka.

QAAB-DHISMEEDKA BUUGGA

Buuggu wuxuu u kala qaybsan yahay dhowr cutub oo mid walba si gaar ah u falaanqaynayo hal dhinac oo muhiim ah. Cutubka ugu horreeya wuxuu diiradda saarayaa awoodda Garaadka macmalka ah (AI), kaas oo noqday mid saamayn weyn ku yeeshay adeegyada, dhaqaalaha, iyo hab-nololeedka aadamaha. Suleyman wuxuu sharaxayaa horumarka deg-degga ah ee lagu sameeyay AI-da, gaar ahaan noocyada casriga ah ee model-yada waaweyn, iyo sida ay u beddeleen adeegsiga xogta iyo go’aan-qaadashada. Wuxuu muujinayaa in haddii aan la xakameyn, AI-da noqon karto mid khatar u leh amniga iyo nidaamka bini’aadamka.

Cutubka labaad wuxuu iftiiminayaa sida tiknoolajiyadu u noqotay mid si sahlan loo heli karo, taas oo qof kasta u oggolaanaysa inuu abuuro aalado awood leh iyadoon loo baahnayn warshado ama xarumo weyn. Qalab bayoolaji ah oo guri lagu isticmaalo, barnaamijyo lagu sameeyo sawirro iyo muuqaallo been abuur ah (deepfakes), iyo AI furan ayaa dhammaantood ah tusaalooyin muujinaya faafitaanka degdegga ah ee tiknoolajiyada.

Cutubka saddexaad wuxuu si qoto dheer u falaanqeeyaa isbeddelka ay tiknoolajiyadu ku keentay siyaasadda caalamiga ah. Suleyman wuxuu ka hadlayaa tartanka u dhexeeya quwadaha waaweyn sida Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo u muuqda inay ku jiraan dagaal qabow oo cusub, balse ay xudduntiisu tahay cidda noqon doonta hormuudka teknoolajiyada casriga ah. Tartankan wuxuu leeyahay saameyn toos ah oo ku saabsan xasilloonida, amniga, iyo isbeddelka awoodda siyaasadeed ee dunida.

Cutubka afraad ayaa ah midka ugu muhiimsan ee buugga, wuxuuna si gaar ah u eegayaa waxa uu qoraagu ugu yeedhay “Dhibaatada Xakamaynta”. Tiknoolajiyada cusub sida AI-da ama bayoolajiyada la sameeyo ma laha xuduud ama meel gaar ah oo laga xakameeyo. Wuxuu ka digayaa in xakameyn la’aantu ay horseedi karto in tiknoolajiyadaasi u adeegto dano gaar ah oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida.

Cutub kale wuxuu diiradda saaraya anshaxa, qiyamka iyo mas’uuliyadda la xiriirta horumarka teknoolajiyada. Suleyman wuxuu tilmaamayaa in teknoolajiyadu ay wataan halis anshaxeed sida cunsuriyad ku saleysan xog, faragelin lagu sameeyo asturnaanta dadka, iyo go’aamo xun oo uu gaadho Garaadka Macmalka ahi (AI). Qoraagu wuxuu baaq u jeedinayaa bulshooyinka iyo dowladaha si ay u sameeyaan xeerar caalami ah oo ilaalinaya xuquuqda dadka (International Treaties).

Qaybta ugu dambeysa ee buugga waxa ku jira talooyin iyo fikrado xallin kara dhibaatooyinka la xiriira tiknoolajiyada cusub. Waxaa ka mid ah samaynta heshiisyo caalami ah oo lagu xakameeyo horumarka AI-da, abuurista hay’ado madax-bannaan oo si joogto ah u kormeera horumarka teknoolajiyada, dejinta nidaamyo daahfuran oo xisaabtan leh, iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka bulshada rayidka ah iyo cilmi-baarayaasha.

MAXAA LAGA FAAIIDAYAA BUUGGA

Qoraaga buugga wuxuu leeyahay khibrad toos ah oo uu ka keenay shaqadiisii hore ee DeepMind, taasoo ka dhigaysa xogta uu bixinayo mid dhab ah, cilmiyaysan, oo sal adag leh inkastoo lagu eedeeyo in uusan qoraagu ahayn mid isagu dabaqa dhaqan ahaan waxan uu ka hadlayo, marka la eego shaqada uu ka hayo Microsoft iyo kaalinteeda dagaalka barriga Dhexe. Buuggu wuxuu si ballaadhan uga hadlayaa saamaynta teknoolajiyada ee dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya, taasoo ka dhigaysa mid caalami ah oo aan kaliya u xaglin dhinaca reer galbeedka. Waxa uu waqtigan la joogo ku soo baxay baahi weyn, isagoo si toos ah uga hadlayo halista iyo caqabadaha jira, isla markaana bixiya talooyin wax ku ool ah oo la xiriira horumarinta siyaasado iyo nidaamyo cusub. Inkasta oo buuggu ka digayo khataro badan, haddana waa qoraal rajo leh oo leh cod yididiilo leh kuna dhiirrigelinaya wax-ka-beddelka xaaladdaha jira.

MEELAHA LAGA HORUMARIN KARO BUUGGA

Qaar ka mid ah talooyinka uu soo jeedinayo qoraagu waxay yihiin kuwo guud, oo u baahan faahfaahin dheeraad ah iyo hab-raac la taaban karo oo dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ahi ku dhaqmaan. Sidoo kale, waxaa muuqata in codadka qaar sida kuwa ka imanaya Afrika, Aasiya iyo Latin America aysan helin miisaan ku filan oo ay ku muujiyaan aragtidooda iyo welwelkooda amaba ay u eegyihiin kuwo ka hadhay kacaanka Afraad ee Tiknoolajiyadda. Maaddaama tiknoolajiyadu tahay meel si xawli ah isu beddesha, buuggu wuxuu u baahan doonaa in marar badan dib loo eego loona cusbooneysiiyo si uu ula jaanqaado isbeddelka degdegga ah ee teknoolajiyada.

GUNAANAD

The Coming Wave waa buug muhiim ah oo lagu qaadaa-dhigay mustaqbalka aadanaha, tiknoolajiyada, iyo xasiloonida dunida. Waa qoraal baraarujin ah oo leh aragti fog, khibrad toos ah, iyo dadaal lagu badbaadinayo insaanka. Qoraagu wuxuu muujinayaa in fursadda maanta hortaalla aysan noqon doonin mid mar kale iman doonta. Waa waqti go’aan iyo ficil. Buuggani waa in laga dhigo mid laga akhriyo dugsiyada, jaamacadaha, shirarka siyaasadda, iyo goobaha tiknoolajiga ee dunida.

Ugu dambeyn akhriste, buuggani The Coming Wave waa buug ay lagama maarmaan tahay in uu akhriyo qof kasta oo daneeya tiknoolajiyada, siyaasadda caalamka, ama horumarka aadanaha.

KA BAXSAN BUUGGA:

Dadka buugga naqdiyaa, waxa isu qaban la’a sheekadan iyo aragtida buuga – adigu maanka tuuji oo waxa kuu soo baxa meel ku qoro. Akhriste, 4-tii Abriil, 2025, intii lagu guda jiray xuskii 50-guurada shirkadda Microsoft ee barnaamijka Copilot oo lagu qabtay Redmond (oo ay kasoo qeybgaleen Bill Gates, Steve Ballmer, iyo Satya Nadella), Mustafa Suleyman wuxuu soo bandhigay cusbooneysiinta mustaqbalka iyo aragtida fog ee wax-soo-saarka shirkada Microsoft. Ibtihal Aboussad, oo ah injineer ka tirsan Microsoft AI Platform, ayaa hadalkiisa si weyn u joojisay. Iyadoo sidata keffiyeh – oo ah calaamad u taagan midnimada reer Falastiin – ayay Suleyman ku eedeysay inuu yahay “ka ganacsade dagaal”, waxayna si cod dheer u qaylisay, “Yaan loo adeegsan AI-ga dambiyada xasuuqa!” iyadoo tusaale u soo qaadatay doorka AI-da Microsoft iyo adeegyada kaydka ee daruuraha (cloud) ee lagu taageerayo howlaha milatari ee Israa’iil ee Gaza.

Suleyman wuxuu joojiyay khudbadiisii wuxuuna si degan ugu jawaabay, “Waad ku mahadsantahay mudaharaadkaaga, waan ku maqlayaa.” Ilaalada amniga ayaa Aboussad goobta ka saaray. Shaqaale kale oo la yiraahdo Vaniya Agrawal ayaa sidoo kale mar dambe isku dayday inay joojiso dhacdada, iyadoo Gates iyo Nadella hortooda ka jeedisay eedeymo la mid ah, ka hor inta aan maalmo kadib laga eryin shaqada.

Cinwaanka Buugga: The Coming Wave: Technology, Power, and the Twenty-First Century’s Greatest Dilemma

Qoraa: Mustafa Suleyman oo uu weheliyo Michael Bhaskar

Daabacaha: Crown Publishing Group

Sanadka Daabacaadda: 2023

Tirada Bogagga: 352

ISBN: 978-0593241928

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *