Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa shalay soo dhammaatay, iyadoo Mohamed Ali Yousouf oo ka socda Jabuuti uu ku guuleystay kursiga, ka dib markii uu helay 33 cod oo ka mid ah 49 ka cod ee guud. Tani waxay ahayd wareegga 7-aad, ka dib markii Raila Odinga uu isaga hadhay tartanka wareegga 6-aad oo uu hoggaaminayay musharaxa ka soo horjeeday, taasoo ka dhigtay Yousouf murashaxa kaliya ee usoo baxay wareega 7aad.
Waxa is waydiin muddan Sidee ayuu Raila oo miisaan ahaan cuslaa uu ku waayay kursiga, xilli uu wareegyadii hore hoggaaminayay? Maxay SADC (Ururka Koonfurta Afrika) iyo murashaxa Madagascar Richard Randriamandra ka dhigay go’aamiyeyaasha doorashaddii Addis Ababa ee AUC?
Doorashada waxaa la bilaabay galabtii, waxaana la galay 7 wareeg. Wareegii koowaad Raila wuxuu helay 20 cod, Mahamoud 18 cod, halka Richard uu helay 10 cod. Wareegga labaad Raila wuxuu helay 22 cod, Mahamoud 19 cod, halka Richard uu helay 7 cod. Wareegga saddexaad Raila wuxuu helay 20 cod, Mahamoud 23 cod, halka Richard uu helay 5 cod, taasoo keentay in Richard laga saaro tartanka. Wareegga afraad Raila wuxuu helay 21 cod, Mahamoud 25 cod. Wareegga shanaad Raila wuxuu helay 21 cod, Mahamoud 26 cod. Wareegga lixaad Raila wuxuu helay 22 cod, Mahamoud 26 cod. Markii la gaaray wareegga lixaad, Raila wuxuu iska casilay tartanka oo hoggaamintiisa laga haystay. Wareegga toddobaad Mahamoud wuxuu helay 33 cod, taasoo ka dhigtay inuu buuxiyo 2/3 cododka loo baahnaa si uu u guuleysto. Sidaas darteed, Mahamoud ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midawga Afrika (AUC).
Xaaladda waxay is beddeshay markii wareegga saddexaad la gaaray. Taageerayaashii Richard waxay si ku talo gal ah u yareeyeen cododkii ay siinayeen si uu tartanka uga baxo, taas oo u fududaysay in ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan ama noqdaan jaangooyayaasha natiijada wareegyada xiga sidda dhacday.
Go’aankii SADC ay gaadhay 12-kii February, wuxuu noqday arrin saameyn weyn leh. 12-kii Febraayo, SADC waxay farriin rasmi ah u dirtay dalalka xubnaha ka ah, iyagoo codsaday in ay u codeeyaan Richard Randriamandra. Sababta saxda ah waxay ahayd dagaalka ka socda DRC. Koonfur Afrika waxay si adag ugaga hortimid Rwanda dagaalka DRC, Rwanda waxa ay ka tirsan tahay EAC (Urur Goboleedka Bariga Afrika). Markii ay doorashadu timid, SADC waxay si ula kac ah uga leexatay Raila, maadaama uu matalayay EAC (Urur Goboleedka Bariga Afrika).
Doorashooyinka Midawga Afrika mar walba waxay la kulmaan saamayn ka timaadda dalalka luqada Faransiiska ku hadla. Maadaama Mahamoud iyo Richard ay ka soo jeedeen dalal ku hadla Faransiiska, waxay si fudud u mideeyeen cododkooda, taasoo ka dhigtay Raila mid cidlo taagan.
Doorashooyinka AU mararka qaar waxay la xiriiraan kala duwanaanshaha diimaha (Masiixi iyo Muslim). Qof walba wuxuu lahaa xulafo diimeed, laakiin arrintii DRC ayaa keentay in Raila lumiyo codad muhiim ah.
Raila wuxuu la kulmay laba xaaladood oo mid ay dan u ahayd midna caqabad ku tahay. Dhinaca u danta ah wuxuu ahaa hoggaamiye sare oo khibrad leh, si fiican loo ixtiraamo, kana yimid waddan awood leh. Dhinaca taa ka soo horjeedaa waxa tartan kula jira hoggaamiye da’ yar, khibrad yari hayso, oo dalalka qaar u arkaan mid si fudud loo maamuli karo. Xubnaha qaar waxay door bideen hoggaamiye da’ yar sida Mahamoud, si ay si sahlan ugu maamushaan. Waa kala doorasho la mid ah tii doorashaddii hore ee Amb Amina Mohamed iyo Faki Mohamed.
Raila wuxuu si sharaf leh uga baxay tartanka, taasoo ka hortagtay in doorashada la hakiyo muddo sanad ah – haddii uusan ka bixi lahayn tartanka midkoodna ma heleen kooramka. Raila waa uu guulaysan lahaa haddii aysan jirin saameyntii dagaalka DRC.

Dalalka Afrika goobo badan ayaa looga dabaal dagay guusha Mahmoud. Waxase arrin lala yaabo ah in qaybo ka mid ah Kenya ay u dabbaal-degeen guuldarrada Raila, xilli uu u tartamayay xil sare oo Afrika ah. Arrintan waxay muujinaysaa in kala qaybsanaanta Kenya ay dhaaftay xadka gudaha Kenya. Kuwo ayaa iyagu ku macneeyey dabaal degaas mid la xidhiidha in Raila looga baahan yahay gudaha iyo in uu hoggaamiyo dhaq-dhaqaada ka dhanka ah William Ruto (Ruto Must Go movement) oo marka hore kaalintiisa la saluugsanaa cadho badanina ka dhalatay – kuwo ayaaba iyagu leh mar haddii uu Ruto naga raacay, jabkiisu waa farxadeena. Yeelkadood eh, innaga Somaliland, GAL / Malaf muhiim ah ayaa innaga yaala Midawga Afrika, guusha Raila dib usoo noolaynta Malafkaasi rajo ayuu u ahaa